U bood dhigaalka

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Bakool

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Bakool ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xooggan ka dhacay magaalada Qurac Joome, waxaana la soo warinaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana gabi ahaanba burbur xooggan uu soo gaaray gaariga, sida ay muujinayaan muuqaallo laga soo duubay gaariga qarxay.

Waxaa la soo wariyay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, waxaana qaraxa uu ahaa mid miina ah oo lagu aasay dhulka.

Illaa iyo hadda maamulka gobalka Bakool iyo kan Koonfur-galbeed weli kama aysan hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Qurac Joome ee gobalka Bakool.

Goobjoog News