Xamaas oo maanta sii deynaysa 3 kamid ah la-haysteyaasha Israa’iil Kooxda wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta sii daynaysa 3 kamid ah Israa’iiliyiinta ay ku hayaan marinka Qasa, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ah ee labada dhinac. 1 daqiiqo
1 daqiiqo In ka badan 70 urur diimeed oo Trump ugu baaqay inuu joojiyo Barakicinta dadka Qasa In ka badan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykan ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer Qasa.
1 daqiiqo Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku dhacay markab ganacsi Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ku sheegay in marka dagaal oo ay leeyihiin, laguna magacaabo Harry Truman uu ku dhacay markab ganacsi oo marayey meel u dhow dekedda Port Said ee waqooyiga Masar.
1 daqiiqo Culumada Azhar oo ku baaqay in la taageero mowqifka Masar ee ku aaddan dib u dhiska Qasa Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa.
1 daqiiqo Israa’iil iyo Xamaas oo qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya cabsidii laga qabay burburka xabbad-joojinta Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska.
2 daqiiqo Trump iyo Putin oo ku kulmi doona Sacuudiga Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii sheegay inuu wada-hadal dheer oo wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.
1 daqiiqo Xamaas oo ku baaqay in muslimiinta dunidu ay sameeyaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo barakicinta dadka reer Qasa Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo.
1 daqiiqo Israa’iil oo sheegtay in Xamaas haddii ay maalinta sabtida maxaabiistoo soo deyn weydo ay furmi doonaan Albaabada Jaxiimo Wasiirka Difaaca maamulka Israa’iil, Israel Katz ayaa sheegay in haddii uu ururka Xamaas maalinta sabtida ah ee soo socata dhammaan la-heysteyaasha Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira sii deyn waayo uu furayo Albaabka naarta Jaxiimo, sida uu hadalka u dhigay.
1 daqiiqo Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo laga cabsi qabo inuu dib u billowdo In ka badan saddex toddobaad ayaa laga joogaa xilligii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta ah ee Marinka Qasa, kaas oo sababay nabad aan caga adag ku taagnayn oo fududaysay in dadka qaar ay guryohooda ku noqdaan iyo in gargaarka bini’aadanimo uu galo Qasa.
1 daqiiqo QM oo sheegtay in dib u dhiska marinka Qasa ay ku baxayso $53 bilyan oo dollar Dib u dhiska Qasa iyo wax ka qabashada masiibooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen weerarrada Israa’iil waxay u baahan doontaa in ka badan $53 bilyan, iyada oo $20 bilyan loo baahan yahay saddexda sano ee ugu horreysa, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay Qaramada Midoobay.