1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diraya Markab Shidaal iyo Gaas Ka Baara Xeebaha Soomaaliya Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahamin doona shidaal iyo gaas, Qorshahaan ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Soomaaliya iyo Itoobiya Ku Dhexmaray Turkiga? Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wuufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Professor Jawaari oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyay iyo Madaxda oo Ka Qeybgashay Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxaa aas qaran oo ballaaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Gudoomihii Hore ee Golaha Shacabka oo Geeriyooday Kumuu Ahaa Jawaari? Gudoomihii hore Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho Sida ay xaqiijiyeen masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
2 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Wararkii Ugu Dambeeyay Isku Day Afganbi oo Ka Dhacay Dal Ku Yaalla Koonfurta America Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka,
2 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Milkiilaha Website-ka Siraha Faafiya ee WikiLeaks oo Todobaadkaan Xoriyaddiisa Haleya Kadib Xabsi Dheer Juliana Assange oo ah aas-aasaha website-ka WikiLeaks ayaa la filayaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Guddiga Qabanqaabada Todobaadka Xoriyadda oo Muqdisho Ku Shiray iyo U jeedka Kulanka Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa ka wadahadlay dardargelinta arrimaha horyaallo guddiga iyo sidii loo qaban lahaa howlaha.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Dhacdo Murugo Badan: Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa oo Lagu Dilay Galgaduud Koox hubeysan ayaa xalay dil ugu geystay deegaanka Bulacle oo Dhuusamareeb hoostaga, Macalin dugsi Qur,aan iyo xaaskiisa.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Dab Xooggan oo Ka Kacay Xaafad Katirsan Degmada Cabdulwaaq iyo Faahfaahin Laga Helayo Sida ay sheegayaan warka imaanayaan gobolka Galgaduud dab xoog leh oo ka dhashey gaari booyad ah oo Shidaal sida ayaa ka kacay xaafad ka tirsan magaalada Caabudwaaq oo lagu magacaabo Koowda Luuliyo.
1 daqiiqo Sheeko:wararka gaarka ah Caalamul Islaami oo Siweyn Looga Dabaaldegayo Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa Shucuubta Muslimiinta ah ayaa manta siweyn ugu dabaaldegaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, waxaana dadku ay u dareereen goobaha loo asteeyay in lagu tukado salaadda ciidda iyo Masaajidda si ay u oogaan Salaadda Ciida.