U bood dhigaalka

Qeybo Ka Mid Ah Shaqada Garsoorka Puntland Oo La Hakiyay, Akhirso Sababta

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Xasan Ow Cismaan ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah la fasaxay qeybo ka mid ah garsoorka Puntland si looga baaqsado faafidda xanuunka Coronavirus oo kiisaskii ugu horeeyay laga helay bariga Afrika.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ay dhageysteen baaqyada iyo tallooyinka ay jeedinayeen madaxda maamulka Puntland, waxa uuna hoosta ka xariiqay in muddadaas fasaxa ah ay kaliya la shaqeynayaan laamaha amaanka, islamarkaana ay waaranada u jari doonaan.

Horey deeganada Puntland waxaa hakad la galiyay goobaha waxbarashada oo lagu dhawaaqay in ay fasaxyihiin, waxaana sidoo kale hakad la galiyay qaar ka mid ah xafiisyada xukuumadda Puntland, iyada oo haatanna xeer ilaalinta Puntland ay ku soo darsantay hakadyadaasi.

16-kii bishan ayaa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus waxaa laga helay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay isla maalinkaas in muddo 2 todobaad ah la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, waxaana dhamaan hakad la galiyay dhaqdhaqaayada waxbarashada dalka.

Goobjoog News