U bood dhigaalka

QM : Ma Taageeri doonno Hannaan Doorasho Oo Hal Dhinac ah

Sheeko:Amniga
Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa Goordhaw war ka soo saarat wadahadalada Arrimaha Doorashooyinka dalka ee ka socda Afisiyooni.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in aysan marnaba taageri doonin Hanaan doorasho oo hal dhinac ah .
Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka. Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan ” in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.”