U bood dhigaalka

Qoorqoor oo Madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle Ku Qanciyey Ka Qeybgalka Shirka 4-aad ee Doorashada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qooroor ayaa Baydhabo shir kula leh madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle isaga oo isla markaasna ku qanciyey ka qeybgalka shirka 4-aad ee doorashada, kaas oo Muqdisho ku dhexmaraya DF iyo DG.

Madaxweyne Axmed Kaariye ayaa bilihii tagay waxaa uu isku hawlay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha doorashada isaga oo marti geliyey Dhuusamareeb 1 & 2.

Shirka khamiista ka furmaya Muqdisho ayaa lagu wadaa in si kama dambeys ah xal looga gaaro arrimaha doorashada dalka uu aadayo sanadka 2020 2021-ka.

Goobjoog News