Qormo: Eraybixinta Soomaaliga

Eraybixin waxaa ula jeedaa marka fikir, tab ama walax af ama dad aan Soomaali ahayni ay sidaan la isku dayo in loo helo af Soomaali.

Eraybixin waxay noqon kartaa eray af Soomaaliga ku jira oo u dhigma midka ajnebiga ah ee lala kulmay. Waxay noqon kartaa eray Soomaaliga ku jiray oo aan awal macnahan loo adeegsan jirin, hadda ka dibse loo asteeyay. Waxay noqon kartaa eray la curiyay sida laba eray oo la isku daray si ay macna hor leh u sameeyaan. Waxayna noqon kartaa in la isla gartay in erayga laga soo ergado af qalaad.

Eraybixin oo dhami waxay rabtaa in la hirgeliyo.

Waa dulmar ku sameynayo Taariikha Eraybixinta af Soomaaliga. Dood Baraha Bulshada ka socotay ayaan nuxurka qormadan ku biiriyay.

Akhris wacan.

Dadaal kasta oo ku wajahan horumarinta earybixinta Soomaaliga waa muhiim, waana loo baahan yahay. Waase in aan ka digtoonaanno in qof waliba uu iskiis u fekero sidiiyoon hortii waxba aanay billowneyn.

Soomaalidu qarniyaal ayay falgal kula jirtay sidii ay eraybixinta ugu habboon ee Soomaaliga ah ugu heli lahayd aragtiyada, ficillada iyo qalabka dibadda uga yimaada.

Waxaa jirta Eraybixin Soomaali ah oo hirgashay iyo mid mid ay khubaro ka doodday ee dejisay oo boor-ka-jafid uun nooga baahan.

Diinta

Earybixinta af aan Soomaali ahayn dalka ku timid ka dibna Soomaali loo rogay, sida aan is iri, waxaa ugu fac weyn midda diinta.

Ka hor inta aanuu gaarin Medina, markii Islaamku soo gaaray Soomaalida, waxaa billowday curinta eraybixin af Soomaali ah oo diinta lagu Soomaaliyeeynayo. Waxay aqoonyahannadii dejiyay ugu talo galeen in dadka aan Carabiga aqoon ay diinta ku bartaan af Soomaali.

Dadaalka culimmada waxaad arkeysaa marka aad dhegeysato Tafsiirka Qur’aanka iyo siirada Nebiga NNK ha ahaatee.

Shiyuukhda ka shaqeeyay cilmigaani waxay isugu jiraan qaar badan oo Radio, Video iyo cajalad iyo ka dib hab digital ah lagu dhegeysto ama lagu daawado. Iyo kuwa aan soo gaarin farsamada casriga ah laakiin wax baray kuwa aan dhegeysanno. Iyo Shiyuukh buugaag qoray iyo qaar kaleba.

Kuwooda ugu faca weyn, eraybixintooduna ay hirgashay waxaa ka mid ah Shiikh Yusuf al Kowneyn oo dejiyay Alif wax ma leh, ba’ hoos ka leh, ta’ kor ku laba leh iyo Alif la kor dhebey, alif la hoos dhebey, alif la goday.

Saxaafadda siiba Radio

Waxaa jirta iyaduna eraybixin aan weli boqol jir gaarin oo ay saxaafaddu sameysay welina hore u socota.

Waxaa billaabay weriyayaashii af Idaacadaha Soomaaliga ku hadla billaabay iyo kuwii ka hadli jiray kontomaadkii iyo lixdanaadkii oo ay ka mid yihiin Xaaji Cabdi Ayuub, Faqi Buraale, Sheegow, Cabdullaahi Xaaji, Cismaan Xasan, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Maxamed Abshir Walde, Cabdi Xaaji Goobdoon iyo Axmed Cali Askar.

Intii ka dambeysay oo dhanna eraybixin hor leh ayaa la sameeynayay, qaar dadweynuhu aqbalay oo hirgalay iyo qaar kaleba.

Qaar badan iyada oo la unkayo ayaan joogay ama aan qeyb ka ahaa.

Badanaa waa laga doodaa, qof ayaa soo dhoweeya, mid ayaa sii toosiya, ka dibna waa la isla qaataa. Mararka qaarkoodna qof ayaa hela mid ku habboon, markiibana waa lagu wada qancaa oo la adeegsadaa.

Tusaale ahaan 20 sano oo aan joogay BBC, ragga Eraybixinta ugu badan ee hirgashay sameeyay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Xaaji oo erayada uu bixiyay uu ka mid yahay ‘geeddi-socodka nabadda’ iyo Maxmuud Shiikh Axmed Dalmar oo erayadiisa ay ka mid yihiin ‘gacan-ka-hadal’ iyo “is-miidaamin”. Markii la curinayay intaba dood ayaan ka qabay, laakiin waa la iga batay, aad ayay u hirgaleen haddana waxay ka mid noqdeen erayada ay saxaafadda Soomaaligu adeegsato.

Inta aan xusuusnahay kulankii ugu weynaa uguna dambeeyay ee dejibta iyo horumarinta Eraybixinta Saxaafaddu wuxuu ka dhacay Djibouti, sannadkii 2002.

Rag ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Gaarriye, Cabdiqays, Yamyam, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Keena Diid, Aw Jaamac Cumar Ciise, Idaajaa, Mustafa Sh. Cilmi, Axmed – Shiraac, Cali Seenyo, Riiraash, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Cabdalla Xaaji, Antoine, Gobdoon, Axmed Cali Askar, Siciid Faarax Yare, Maxamed Daahir, Cawke, aniga iyo qaar kale oo badan ayaa saddex usbuuc, subax iyo galab fadhiyay. Shiikh Cumar Faaruuq oo aan shirka joogta uga qeyb galin ayaa maalmo badan ka soo qeyb galay doodda.

Cilmi afeed-yaqaanka, suugaanleyda, qorayaasha ka qeyb galay waxaa ay ka socdeen shanta Gobol Soomaaliyeed.

Doodda oo aan subax kasta ku qaban jirnay Xarunta Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti, habeenkii ayaa laga sii deyn jiray Telefishinka RTD, si subaxa xiga uu doodda uga soo qeyb galo dadweynaha qofkii talo ku daraya soo jeedinteennii shalay oo uu xalay ka daawaday Telefishinka.

Shiikh Cumar – Faaruuq ayaa dhowr jeer qaabkaas uga soo qeyb galay, waxna nagu kordhiyay.

Maalintii shirka la soo geba gebeeyay waxaan soo Bandhigay Qaamuus aan dejinnay, daabacnayna oo ka kooban 3000 oo eray.

Allah ka sokow, Mahaddeeda waxaa leh, dadweynaha iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo fikirkiisa ay ahayd isaguna marti geliyay shirka.

Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxaa jirta eraybixinta Ciidanka oo aad u sarreysa.

Bal eeg dhismaha ciidanka sida Qayb, Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug. Erayga Taliye ka hormari mid kasta oo erayadaas ka mid ah wuxuuna sameynayaa macna hor leh.

U fiirso derejada sida Taliye, Sarreeye Guuto, Gaashaanle, Dhamme, Xiddigle, Xarigle, Alifle, Dable iyo Layli.

Arag cayaarsiiska gaardiga: Dig, digtoonow, nasta, darandoorri, hore soco, dib jeeso, bidix leexo, midig jeeso, joogso iyo kala taga.

Arag hubka iyo rasaasta sida Boobe culus, boobe fudud, boobe, Jebiye, dhuun, riddo, Gawaarida Gaashaaman, Madaafiicda Goobta, Haraatida madfaca, jalfis, qarxiso, dalooliso, ifiso, lid Taangi iyo lidka Dayaaradaha.  Ama tabta weerarka sida yool-baar, doc-ka-weerar, dib-ka-weerar, iska-hor-imaad, dhabrjebin, go’doomin, ku dhufo oo ka dhaqaaq, dib-u-gurasho, raacdo-reeb, miriq-shaalle iyo qaar kale.

Waxaad arkeysaa in maskax badan ay gashay ayna hirgaleen erayadaasi.

Manaahijta iyo Maamulka

Erabixinta kale oo si cilmiyeysan aad looga shaqeeyay waa Eraybixinta la dejiyay marka far Soomaaliga la qoray 1972 ka dib.

Waa eraybixinta Manaahijta ee Juqraafiga iyo Sayniska – siiba Biyooloji, Kimistari iyo Fiiskis iyo Xisaabta, gaar ahaan Joomateri, Trignomatari iyo Aljebra.

Birlab, weyneyso, noole, dulin, il-ma-qabato, qalfoof, walax, curiye, falgal, xagal, xagal qumman, saddex xagal, saddex xagal siman, goobo, afargees, saami, xawaare, karaar
dululaati iyo dhululubo.

Afafka siiba Naxwaha loo adeegsado sida fal, falkaab, xiriiriye iyo tilmaame Dugsiyada ayaan ku soo dhigannay jiilka aan kuwa ugu horreeyay ka mid ahay.

Eraybixinta maamulka ee laamaha Dowladda oo ay Akademiyadu lahayd ururinta iyo horumarinteeda.

Dhismaha hey’adaha Dowladda ayaa ka mid ah; Agaasime, Agaasime Waax, Agaasime Guud, Maareeye, Maareeye Guud, Guddoomiye, Gobol, Degmo, Xoghayn, Wareegto, Hubaal-celin, KA, KU, OG, farid, Isu-duwe, Qaan-sheegad, curaar, xisaab-celin iyo howlgab.

Xeer Ilaaliye, Garyaqaan, Garsoore.

Qaybtan waxaan soo hoos gelaya dhammaan eraybixinta loo adeegsado howlaha hey’adaha Dowladda sida gaadiidka, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha, cayaaraha ee meel ka helay Qaamuuska af Soomaaliga ugu weyn oo erayada uu fasirayo tiradoodu ay tahay boqol kun.

Eraybixintani waxay koobeysaa dhammaan Hey’adaha Dowladda iyo kuwa Dadweynuhu erayada ay u adeegsadaan shaqo maalmeedokooda.

Intaas oo dhan waxaa dejintooda ka qeyb galay khubaro afka ah iyo khubaro hadba maaddada laga hadlayo aqoon durugsan u leh. Qaarkood qaamuusyo ayaa laga soo saaray, waana lagu shaqeeyay.

Gunaanad

Soomaaliga eraybixin cusub isku dayaya waxaa habboon in uu marka hore hubiyo in eraygaas hore loo sameeyay iyo in kale.

Haddii la xaqiijiyo in aanuu jirin, waxaa habboon in curinta hubinteeda lala kaashado Cilmi baareyaasha Soomaaliga sida aqoonyahannada Soomaali yaqaanka ah in bandanna ka shaqeynayay oo ay ka midka yihiin Idaajaa oo ku can baxay, Riiraash, Axmed Shiraac iyo qaar kale oo badan.

Cilmi-Afeed yaqaanno gaammuray ayaa jira sida Prof. Cabdalla Mansuur iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo labaduba buugaag ka qoray, Af Soomaaligana kana dhigay Jaamacadda Ummadda. Maaddooyinka ay Jaamacadda ka dhigeen isu-geyntooda waxaa ka mid ah maaddooyina Af Soomaaliga ee Syntax, Morphology iyo Phonolgy iyo Taariikhda af Soomaaliga iyo Afafka Kushitigga ee ay bahwadaagta yihiin sida Rendiille iyo Oromo.

Sidaa oo kale waa in lala kaashadaa khabiir yaqaan maaddada laga hadlayo ee la doonayo in eraybixin loo helo.

Marka aan isku dayno in aan 2020 erayo hor leh aan si shakhsi ah u hirgelinno waxtar waa ay yeelan kartaa, waxaase dhalan karta khatar marin habaabin ah oo ka daran in aan eray loo hayn.

Eraybixin aan sugnayn waxay horseedi kartaa garasho khaldan.

Waa khatar eraybixin uu dadweynuhu barto oo uu la qabsado hase yeeshee, macnaha ay soo gudbineyso aanuu si sugan uga tarjumeyn ujeeddada.

Khaladdaadka ay eraybixintu yeelan karto oo xataa dad aqoon leh ka dhaca laba ayaa ugu halis badan uguna soo noqnoqosho badan.

Nusqaan – waa in macnaha ay fasirayo aanay soo wada gudbineyn ee ay wax ka dhimman yihiin.

Dheeri – waa in ay soo wada gudbinayso macnaha laakiin ay u wehliyaan macna kale oo aan ahayn midka la tarjumayo.

Waa halis ay tahay in laga digtoonaado.

Qormadeyda waxaan ku gunaanadayaa Tix sagaal sadar ah oo uu tiriyay Cabdulle Raage 1972 markii la qoray Soomaaliga.

Eraybixinta naxwaha ayuu adeegsanayaa.

Labaatan iyo labo aammustiyo, Shaqal Irmaaneeya

Amraniyo Tilmaamiyo Gudbe, Aade iyo Jooge

Isku-dare xiriiriye falkaab, ku arkay joornaalka

Mar haddii afkeygii la qoray, aabbe iyo hooyo

Mar haddaan amaahsigi ka baxay, lagu agoontoobey

Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye

Amiirnimo sin iyo garab jirtey, nagu abuureene

Afafka Qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibey,

Anaa Macallimoo raba dad loo, furo oskuulaade

Cabdulle Raage 1972

F.G.  Allah ha u Naxariisto akhyaarta aan magacyadooda halkan ku xusay inta dhimatay iyo inta noolba.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW