U bood dhigaalka

Ra’iisalwasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed u Diray Hambalyo iyo Duco

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, oo caawa bilaabatay.

Ra’iisulwasaaraha ayaana sheegay in la caawiyo dadka danyarta ah ee aan haysan afur iyo dadka abaartu hayso, waxaana sii dheer maciishadu ay sare badan samaysay, taas oo saamaysay bulshada kuwaada danyarta ah.

Maalinta barri ayaa waxaa ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana dhammaan umadaha muslimka ay yihiin kuwa intooda badan isku raacsan bilshada bisha, iyadoo qeybo dalka laga arkay.

Goobjoog News