U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Markale Diray Baaq Ku Aadan Xaaladda Abaaraha

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaaka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka, isagoo kala shiray xaaladda abaaraha dalka oo maraysa meel khatar ah, dadka iyo duunyada saamaysay, waxaana kulanka sidoo kale ku wehlinayey Guddiga gurmadka Abaaraha oo dhowaan uu magacaabay Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku baaqay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, isagoo u mahadceliyey dalalka ilaa hadda kaalmada soo gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed, waxaana markale uu jeediyey codsigiisa ku aadan ugurmashada shacabka abaaraysan, iaydoo sidoo kale uu sare u kacay sicirka raashinka Qurul-duruuriga ah.

Halkaan ka Daawo codka 

Goobjoog News