U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hay’adda IOM

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamse Cabdi Barre  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM, oo ay hoggaamineysay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope.
Xubnaha wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha IOM ee gobolka iyo Madaxa hey’adda ee Soomaaliya ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, hawlaha kala duwan ee ay ka wadaan dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo hawsha ay hey’adda IOM ka waddo Soomaaliya, isaga oo u ballanqaaday in hey’adaaha dowladdu ay wada shaqeyn dhow la sameyn doonaan.
Waxaa uu sheegay  dhanka kale in xilligaan oo lagu  jirogurmadka abaaraha oo dalka saameynteeda siweyn looga dareemay waxaana xilligaan socda gurmadka abaaraha oo xukuumadda dan-qaran ay kawado dalka.
Goobjoog News