U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dhaceysa.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo horay ugu hambalyeeyay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in ay si buuxda ula shqeyn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana la xusuustaa in Abiy Axmed uu kamid ahaa saaxiibadii aadka ugu dhowaa Farmaajo.

Dowladda Itoobiya oo qeyb ka ah ciidamada ATMIS ayaa la ogaa in waqtigii Farmaajo ciidankoodu ay xabsiga dhigeen Shiikh Muqtaar Rooboow xilligii doorashada mmadaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la ogeyn in Xasan iyo Abiy ay u wada shaqeyn doonaan sidii dowladdii hore uu ula shaqeeyay ee Farmaajo.

Goobjoog News