U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Magacaaban iyo Rooble oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo dhowaan lagu wado inuu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Xamze Cabdi Barre oo lasoo magacaabay.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, waxaana labada mas’uul iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka , Ra’iisulwasaare cusub ayaa dhankiisa u mahadceliyay mas’uulka xilka ka sii degaya.

Ra’iisulwasaare Barre ayaa lagu wadaa inuu dhowaan soo dhiso xukuumad cusub oo bedesha xukuumadda xilka gaarsiinta, halka Ra’iisulwasaare Rooble lagu xasuusan doorkii uu ku lahaa qabashada doorashada dalka ka dhacday, taas oo soo martay waddo dheer isaga oo kasoo tallaabay.

Goobjoog News