U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ku Dhawaaqay Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabaab iyo Daacish

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Xamse Cabdi Barre oo maanta kulan uu la yeeshay saraakiil sare oo ka socotay golaha ammaanka iyo nabad galyada Midowga Afrika ayaa ka sheegay in dowladdiisa ay qaadayso dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgalka ATMIS ee taageera.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in howlgalkaas dowladda ay qaadayso uu noqon doono mid ballaaran, isaga oo u jeedka ku sheegay in la xasiliyo amniga guud ee dalka, lana xajisto guulihii la gaaray, maadaama ciidamada dowladdu ay gaareen deegaanno badan oo ka maqnaa iyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka isku xira magaalooyinka iyo ganacsiyada.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay ururka midowga Afrika, waxaana uu xusay in ciidankooda ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa, ciidamada badan oo ku sugan Soomaaliya kana tirsan howlgalka nabad ilaalinta ayaa ku geeriyooday Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 oo ay soo gaareen Soomaaliya oo la daalaa dhacaysay amni darro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale, waxaana hadalka Ra’iisulwasaaraha uu kusoo aadayaa xilli dhowaan la filaayo inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Goobjoog News