U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Maanta Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga+Sawirro

Sheeko:Waxbarashada

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra”iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa saaka daahfuray Imtixaanka Dugsiyadda sare ee fasalka 12-aad, kaas oo lagu gelayo 114 goobood oo ka kala tirsan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Imtixaankan ayaa sanadkan waxa u fariisanaya Arday tiradooda gaarayso 33,700 oo ku ka kala sugan gobolada iyo degmooyinka dalka,sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in baaris lagu sameeyey cabashooyin ka yimid Arday Soomaaliyeed,natiijada kasoo baxday na noqotay in Ardaydii xaqa u lahaa gelayaan Imtixaanka.

Haya’addaha Amaanka oo uu ugu horeeyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka shaqaynaya sugida Amniga goobaha lagu gelayo Imtixaanka shahaadiga ah.

Goobjoog News