U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Guddiga Gurmadka Qaran Ee Abaaraha oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi oo ka duulaya baahida loo qabo dardar gelinta howllaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa kulankii ugu horreeyey maanta la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno laga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada, waxayna soo bandhigeen Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha.
Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha baahsan ee ka jira dalka ee dad iyo duunyo saameeyay.
Xamse Cabdi Barre ayaa faray in howlaha gurmadka la dardargeliyo, maadaama ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado, dadka la daalo dhacayo abaarta, kuwaas oo kasoo guuray dhulka miyiga maadaama xoolohoodo dhaafeen.
Xamse Cabdi Baayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan, waxaana xusid mudan inuu ganacsatadana baaq uu u diray.
Goobjoog News