U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Hay’adda Qatar Charity Kala Hadlay Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar charity oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka  abaartu saameysay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.
Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Goobjoog News