U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim, kaas oo saraf kusoo gaaray dalka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligaan oo dalka ay ka jirto qeybo kamid ah ay ka jiraan abaaro baahsan taas oo dadka iyo duunyada saameysay.
Goobjoog News