U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Shacabka Ugu Hambaleeyay Munaasabadda Ciidul Adxa

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed  meel waliba ay joogaan waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasanbadda ciidul Adxa, sanadka 1443 Hijriga taas oo  barri looga dabaal dagayo.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin” ayuu ku yiri qoralkiisa Ra’iisulwasaaraha dalka.

Xamse oo sii hadlaayo ayaa dhanka kale  xusay” Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka” ayuu yiri.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa dhanka kale hambalyo u diray ciidamada xoogga ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo laga yaabo in aysan caruurtooda iyo xaasaskooda aysan la qaadan farxadda gudashada waajibaadka qaran owgiisa.

“Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya” ayuu ku yiri hambalyadiisa ciidanka xoogga.

Ugu dambeyn Ra’iisulwasaaraha ayaa baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka qurba joogta ah kuwooda Alle wax siiyay in ay caawiyaan dadka danta yar ee aan awoodin in ay ka qeyb qaataan munaasabadaha ciida iyo dabaal degyadeeda.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag” ayuu ku yiri gabagabdii hadalkiisa.
Goobjoog News