U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse Ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed Iney Isku Gurmadaan

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadalayay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda dan-qaran, ayaa baaq waxaa uu u diray umadda Soomaaliyeed meel weliba ay joogaan, isaga oo ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraaha si loo samatabixiyo dadka ay saamaysay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan baaq uga soo jeediyo, dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta ay joogaan , rag iyo dumar, dal iyo dibad, in sidii caadiga inoo aheyd markii arrimahan oo kale ay jiraan in ay walaalahooda usoo gurmadaan, waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, meel kasta ay joogaan dal iyo dibad in caruurteennii, waalidiiinteennii, iyo runtii inta tabarta daran ay maanta la tacaalayaan ama la daalo dhacayaan abaaro taasoo saamaysay naftooda” ayuu yiri.

” Waxay in badan oo lagu qiyaaso 1Milion oo Soomaalia ah, ay ku barakaceen qeybaha kala duwan ee dalkeenna, iyagoo aan heysanin Biyo iyo Baad midna. Maanta oo kale, waa maalintii laga dhabeyn lahaa heestii aheyd” Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsanaada, hadba kiina taag daran taageera waligiin” .Maanta dadka Soomaaliyeed waxaa ay u baahan yihiin in ay isku tiirsanaadaan bacdallah, iskuna tiirsanaadaan” ayuu sii raaciyay hadakiisa xilli uu hadlayay Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in aysan jirin wax la sugu, maadaama abaartu saamaeynteeda ay sii badanayso” Waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed meelka kasta ay joogaan, waxaan sugno maleh halisbaa lagu jiraa, dadkeennu halisbey ku jiraan, waxaan u baahanahay inaan istaageerno waxaana ubaahanahay inaan isku tiirsanaano, waana dhaqankeenna kaas soo jireenka ah, maanta inaan ka dhabeyno ayaan rabnaan” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.

Hadlaka kasoo baxay Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo kulan ay golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen looga hadlay xaaladda dalka ka jirta ee abaarta iyo sidii looga samatabixi lahaa xilligaan adag oo shacabku ay wajahayaan abaarta baahsan ee dadka iyo duunyada saamaysay ee laga cabsi qabo in ay isku rogto heer macluul ah.

Goobjoog News