U bood dhigaalka

Roobab Dabeylo Wato Asbuucaan Laga Saadaaliyay Soomaaliya iyo Digniino

Sheeko:Dalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniinaha ku aadan Roobab xoogan oo asbuucan soo aadan la filayo in ay ka da’aan gobollada dalka ee qaarkood, gobollada la tilmaamay ayaa ah kuwa dhaca Waqooyiga iyo Koonfurta, xilligaan oo lagu guda jiro curada Roobka Deyrta oo gobollada qaar si wanaagsan uga da’ay.

Roobabkaan ayaa la saadaaliyay in la heli karo 25-ka Ogtober ilaa 1-da November 2022, waxaana saadaashani ay ku soo aadi xilli dhowaan Roobab ka da’ay gobolka Bari ay daadad xooggan kusoo rogeen magaalada Qardho ee Puntland, Galgaduud Hiiraan Labada Shabeelle, Banaadir , Bokool, Jubbooyinka iyo qeybo kamid ah gobollada Waqooyi ayaa la saadaaliyay.

Goobjoog News