U bood dhigaalka

Roobab Khasaare Dhaliyay oo Ka Da’ay Muqdisho iyo Gobolka Banaadir oo Ka Warbixiyay

Sheeko:Dalka

Roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran ayaa khasaare kale duwan u geystay bulshada, waxaana jira in Roobabku ay hakiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ka howlgala inta badan caasimadda iyo wadooyinka qaar oo biyuhu jareen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay welinayaan mas’uuliyiin xukuumadda iyo dowladda hoose ka tirsan ayaa kormeeray degmooyinka qaar, isagoo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay iyo baaxadda uu leeyahay Roobkii ka da’ay caasimadda Muqdisho.

“Khasaaraha naloo soo tabiyay ilaa hadda afar qof ayaa ku dhimatay, Warta Siigaale Cunug yar ayaa ku dhacay, laba qof oo Warta Nabadda ku dhintay, laba qof oo Boosaneer uu la dumay iyo laba qof oo Daadku uu qaaday iyo qaar kale oo dhaawac ah” ayuu yiri ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay sidii Biyaha looga qaadi lahaa wadooyinka caasimadda, waxaana uu kaga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed garabka ay ka geysanayaan, kuwaas oo soo diray Booyado lagu qaado Biyaha.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo hadlay ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay la qabsadeen xaaladaha Abaaraha iyo Biya baxa Roobabka, waxaana uu sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa goobaha ay biyaha qaadan ee caasimadda.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho saacadihii lasoo dhaaafay Roobab xooggan oo ka da’ay ayaa waxaa ay saameyn weyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo ay socdaan dadaallo uu wado maamulka gobolka, kaas oo biyaha looga qaado wadooyinka go’doonsan.

Goobjoog News