U bood dhigaalka

Roobabkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Saameyn Dhaliyey

Sheeko:Dalka

Roobab xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka.

Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax oo gabi ahaanba biyuhu fadhiisteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee waddada soddonka.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiga ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.

Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan.

Goobjoog News