U bood dhigaalka

Roobka Gu’a oo Ka Curtay Gobollada Qaar Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Waxaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada dalka qaar ka mid ah ka da’ayey Roob dadka iyo duunyadu ay ku diirsadeen, kaas oo ah xiga Gu’a , waxaana bilihii lasoo dhaafay dalka ka jirtay abaar baahsan, taas oo gaartay meelaha qaar in dadka iyo xooluhu  ay baahi iyo biyo la,aan ugu  geeriyoodaan, gaar ahaan gobolka Gedo.

Roobabka ayaa waxaa ay siyaabo kala duwan xalay ilaa  iyo maanta ay uga da,een  Sanaag, Mudug Galgaduud iyo gobolka Bokool ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana muddooyinkii dambe ka jiray abaaro aad u saameeyey dadka xoola dhaqata ah iyo tabcada Beeraha, heer ay gaartay meelaha qaar in dadku ay waayaan biyo cunto inyaba.

Dadka xoola dhaqata ah  oo awal deegaannadaan uga hayaamay abaarta jirta ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan goobihii markii hore ay kaga guureen, maadaama xoogaa roobab ay ka da,een, gobolada qaar ayaa waxaa ay wajahayaan xaalada ah sida gobolka Gedo oo lasoo wariyo in dad ay macluul ugu geeriyoodeen.

Goobjoog News