U bood dhigaalka

Rooble oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  kadib safar 4 maalin qaatay uu ku tagay magaalada dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo madaxda dalkaasi kala hadlay soo celinta xiriirada kala duwam ee dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa waxaa uu la kulmay madaxda ugu sareysa dalkaasi sida Dhaxal sugaha, ra’iusl wasaaraha iyo wasiirro kale, waxaana inta badan ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, waxaana sidoo kale uu la kulmay he’adada Bisha Cas  ee Imaaraadka iyo hey;adaha samafalka dalkaas oo uu kala hadlay in ay qayb qaataan u gurmashada adka abaaraysan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo quseeya  gobolka geeska” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiskiisa.

Goobjoog News