U bood dhigaalka

Rooble Oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Rooble ayaa waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada dhuusamareeb ku soo dhaweyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka galmudug iyo Shacabka Magaalada Dhuusamareeb.

 

Socdaalka Rooble oo bilaw u ah safaro uu ku tagayo deeganada doorashooyinka golaha shacabka lagu qabanayo qaar ka mid ah ayaa waxa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb uu kulama la qaadan doonna madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo Bulshada rayidka galmudug.

 

Ra’iisul wasaaraha oo sidii loo dardargelin lahaa doorashooyinka kala hadlaya Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News