U bood dhigaalka

Rooble Oo Gaaray Dubai

Sheeko:Dalka

Raiisalwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaamaniyo ayaa gaaray magaalada Abuu Dubai ee Imaaradka Carabta, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhoweeyey isaga iyo wafdigiisa.

Raiisalwasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaradka waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda sare ee dalkaasi, waxaana u jeedka sarafka Rooble ee Imaaraadka lagu sheegay xoojirta xiriirka labada dhinac ee Dubai iyo Muqdisho.

Xiirika Imaaradka iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xumaxaa, waxana dhacday in Imaaradku mashruuxyo badan uu ka waday Soomaaliya uu hakiyey, kadib khilaafkii soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Imraadka ayaa waxaa uu Soomaaliya ka waday mashaariic la xariirtay dhanka caafimaadka, tabaarada ciidamada dowladda, iyadoo la xasuusto in Muqdisho ay ka hirgeliyeen dhismayaal lagu tababaro ciidamada sida xerada General Goldan.

Goobjoog News