U bood dhigaalka

Rooble oo Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay 3-da May

Sheeko:Dalka, War
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka
waxaana uu ammaanay kaalinta muhiimka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariyeyaashu u hayaan bulshada ee ah wargelinta iyo bidhaaminta xaqiiqooyinka jira.
“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulshada, soo bandhigista xaqiiqooyinka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo” ayuu ku yiri qoraakiisa Ra’iisulwasaaraha xilliga uu hambalyeynayay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhiirigeliyay saxafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u hayaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriyadda saxaafadda oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ayaa gabagabadii qoraalkiisa waxaa uu guulo iyo horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed, oo maanta u dabaal degayo maalinta saxaafadda caalamka oo beegan 3-da May oo maalinta .
Goobjoog News