U bood dhigaalka

Rooble oo War Kasoo Saaray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka magaalada Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka, maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah oo ka qeyb galaya Caleemo-saarka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in arrintaan looga goleeyahay in la ilaaliyo amniga guud ee caasimadda iyo wufuudda kale duwan ee kasoo qeyb galaya munaasabadda barri lagu wado in lagu Caleemo-saaro madaxweynaha 10-aad ee dowladda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo 15-kii bishii May loo idmaday inuu dalka hoggaamiyo markale.

“Walaalayaal waxaan maanta markale hortiinna u imid, inaan idinla wadaago fariin si gaar ah u qusayso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, 9-ka bisha June oo ku beegan barri oo Khamiis ah caasimadda waxaa ay marti galin doontaa Madaxweyneyaal, Ra’iisulwasaareyaal, madax sar sare iyo wufuud kale duwan oo ka imaanaysa caalamka, kuwaas oo ka qeyb galaya Caleema-saarka madaxweynaha dalka mudane Xasan Shiikh Maxamuud” ayuu yiri.

” Haddaba si loo xoojiyo amniga iyo martida heerarkeedu sareeyo waxaa lagama maarmaan  noqotay in la xiro jidadka caasimadda lana hakiyo isku socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadweyneha laga bilaabo caawa 10:00-ka fiidnimo ilaa barri 5:00-ta galabnimo, sidaa darteed, waxaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan Muqdisho si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa in ay noo dulqaataan, muddadaas kooban oo magaaladu xirnaan doonto” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale amray ciidamada amniga sugaya in ay u turaan shacabka oo ay tixgaliyaan xaaladaha qaar sida caafimaadka iyo waxyaabaha la xariira, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ciidamada garab lagu siiyo in muddadaas yar ay gutaan waajibkooda amniga inta ay socoto xafladda lagu wado barri ay ka dhacdo magaalada caasimadda Muqdisho.

“Ciidamada aminga iyaga oo waajibaadkooda gudanaya waxaa la farayaa in ay shacabka u turaan  oo ay tixgaliyaan xaaladda caadimaad ee deg dega ah, sidoo kale taliska ciidanka Booliiska waxaa la farayaa in diyaariyaan gaadiidka gurmadka deg deg ah, si ay goobaha caafimaad u geeyaan dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad ee aadka u daran” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha.

Goobjoog News