U bood dhigaalka

RW Rooble oo Kulamo Ka Wada Kismaayo, Kana Qeyb galay Shirka Wasiirada ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Xilli RW Rooble uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland  ayaa waxa uu kulmo siyaasadeed la qaatay siyaasiyiin ka soo jeedda Gobalka Gedo isagoona kala hadlay arrin la xiriirta doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaareey.

Sidoo kale RW Rooble waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe la shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland shirkaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Dhanka kale RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada garbahaareey ee gobalka Gedo si uu halkaasi uga furo dib u heshiisiin ku saabsan doorashada Gedo.

Booqashada RW Rooble ee Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo uu dalku isku diyaariyay Doorasho.

Goobjoog News