U bood dhigaalka

Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo jaamacadda carabta ee danjire Cabdulqaadir Maxamed Waceys waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Marxuumka yaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay dalkaasi Kuwait waxaana la sheegay in Danjire waceys uu la noolaa cudurka macaanka oo uu aakhirkii u geeriyooday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdulqaadir isaga oo eebbe uga baryay inuu jannaddiisa geeyo “Waxaan isaga tacsiyeeynaynaa geerida ku timid safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ku geeriyooday dalka Kuwait. Allaha u naxariisto marxuumka. Qabriga Allaha u waasiciyo, marti la jecelyahayna Allaha ka dhigo. Eheladii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin”.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Waceys ayaa muddo fog ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay caalamka isaga oo mar soo noqday safiirkii Liibiya u fadhin jiray Soomaaliya waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa waayo arag ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda.

Goobjoog News