U bood dhigaalka

Senetorrada Aqalka Sare oo Laga Saaray Fadhiga Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya hoolka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in goordhow kulanka laga saaray Seeetorrda aqalka sare.

Gudoomiyaha Goalaha Shacabka ee waqtigoodu dhamaaday Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka uusan aheyn mid wada jir ah balse uu yahay kulan u gaar ah mudanayaasha Goalaha shacabka , sidaas darteedna loo baahan yahay in kulanka ay isaga baxaan Senetarada ka soo qeeyb gashay .

” Madaxweeynaha JFS wuxuu u ogolanaya in mar waliba uu la hadli karo golaha shacabka, codsigaasi ka yimid madaxweeynaha JFS ayaad halkaan ku fadhidaan , kulanka ma ahan kulan wada jir ah , waa kulan uu leeyahay Golaha shacabka ee BFS , dhowr jeer halkaasan ka sheegnay waxaan dhahnay golaha shacabka diyaar uma ahan khilaafka in uu ka mid noqdo , waxa uu diyaar u yahay xalka in uu qeeyb ka ahado”

“waxaan rabna marka saaxibadanada sharafta badan , senetariska Aqalka sare ka socda kulanka waa kulan golaha shacabka kaliya uu leeyahay warbixinna waxaa looga dhageeysanaya Madaxweeynaha “.

“Waxaan codsaneyna Madaxdiinana ay inaga codsatay qoraalana la soodiray waad aragteen oo social media-ha iyo meel walbana lagu soo qoray waad aragteen kulanka inaynan qeeyb ka noqoneyn Aqalka sare ” ayuu yiri gudoomiyaha Golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday.