U bood dhigaalka

Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Iyo Xildhibaanno Ku Xayiran Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Warar naga soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu xayiray madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa ku wajahnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ay halkaasi u wadeen gurmad loogu talogalay dadkii uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle.

Xildhibaannada la socda madaxweynayaashii hore ee dalka qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in sababta loo xayiray ay tahay Ra’iisul wasaare Kheyre oo isaguna maanta ku wajahan magaalada B/weyne.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sidoo kale sheegaya in Kheyre uu qudhiisa ku sugan yahay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku wajahan B/weyne.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo laga bixiyey xayiraadda madaxdii hore ee qaranka iyo sidoo kale xildhibaannada ku wajahnaa B/weyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News