U bood dhigaalka

Sheekh Shariif iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo Kawada Hadlay Doorashada Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa isaga iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada la filayo inay dalka ka qabsoomto.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in safiir Ben Fender ay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashada dalka, saameynta xanuunka COVID-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Galmudug iyo Jubbaland.

“Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender. waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran.

Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in safiirka ay isla soo hadal qaadeen wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland kuwaas oo uu sheegay inay soo bilawdeen xilliggii uu xafiiska joogay.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney”.

Bilawga sanadka soo aaddan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho aan wali waqtigeeda la sheegin balse madaxda hadda joogta ay qabaan in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News