U bood dhigaalka

Sheekh Shariif: Madashu Waxay Ka Digeysa Muddo Kororsi Magackastoo Loo Bixiyo oo Ay Ka Shaqeyso Xukuumadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed  iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo si wadajira ah  shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka digeen in xukuumada hadda jirta ay ku dhaqaaqdo wax muddo kororsi ah iyaga oo xusay in loo baahanyahay in doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwa waqtigooda ku dhaca.

Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay carabka ku adkeeyay ahmiyada ay dalka u leedahay inay doorashada waqtigeeda ku qabsoomta isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada dalka ay noqoto mid hufan oo raali lagu wadayahay.

“Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwa waqtigooda ku dhaca noqdaan kuwa hufan laga wada tashay raalina laga wada yahay sidaasi darteed Madashu waxay ka digeysa muddo kororsi magackastoo loo bixiyo oo ay ka shaqeyso xukuumadda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale guddoomiyaha madasha ayaa soo dhoweeyay baaqii ka soo baxay guddoonka aqalka sare eek u aaddana doorashooyinka dalka waxa uuna Shariif Sheekh sheegay in go’ankaasi uu yahay mid geesinimo leh islamarkaana waqtigiisa yimid.

“waxaan soo dhoweynaynaa go’aankii aqalka sare ay soo saareen oo ay ku baaqeen in laga wada tashado arrimaha doorashooyinka waxaan leenahay waa go’aan geesinimo leh  xilligiisiinna yimid waana soo dhoweynaynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh maxamuud ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu ku eedeeyay inusan shacabka la wadaagin marxaladaha uu dalka marayo isaga oo intaas ku daray in loo baahanyahay in daruufkastoo oo lagu jiro ay muhiim tahay in dadka loo sheego.

“Mushkiladda madaxweynaha Soomaaliya heysata ayaa ah inuusan dadka waxba u sheegin dadka inaan waddada loo socdo iyo daruufta lagu jiro si kasta ha u xaraaraatee wa in dadka Soomaaliyeed loo shegaa, madaxweynuhu dadka hala hadlo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa walaac xoog leh waxa ay ka muujinayaan in xukuumadda hadda jirta ay sameysato muddo kororsi iyaga oo markasta ku soo celiceliya in doorashada dalka aysan waqtigeeda dhaafin.

Halkan ka daawo hadallada madaxweynayaashii hore ee dalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/744445733025581/?t=1

Goobjoog News