U bood dhigaalka

Shir Muqdisho Uga Furmay AMISOM iyo Taliska Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayey hadlayey dhameystirka qorshaha AMISOM amniga dalka ugala wareegayaan Ciidanka dowladda federalka Soomaaliyaay, waxaana shirka ka qeyb galaya taliyeyaal kala duwan iyo mari-sharaf kale oo lagu casuumay.

Shirka ayaa waxaa furay taliyaha ciidan xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waxaana goobjoog ahaa taliyaha ciidanka AMISOM iyo Midowga Yurub, waxaana inta uu shirka socdo looga hadli doonaa sida ugu macquulsan oo ciidamada Soomaalida ay isugu filnaan karaan ayna ugu maarmayaan kaalmada AMISOM.

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa  Soomaaliya waxaa ka socdaa sanadkii 15-aad, waxaana ilaa iyo hadda aan muuqan qorshe cad ciidamada xoogga dalka ay kala wareegayaan amniga guud dalka AMISOM, waxaana sanadihii dambe ciidanka xoogga ay samaynayeen koboc dhanka ciidanka iyo tabarka ah.

Goobjoog News