U bood dhigaalka

Shirarka uu Isugu Yeero Farmaajo ee Aan Qabsoomin, Ma Farsamo Siyaasadeedbaa?!

Sheeko:Dalka

Tan iyo bilowgii bishii Febraayo ee sanadkan, Villa Somalia waxay ku baaqday ilaa 6 shir oo aan midna u qabsoomin sidii qurshuhu ahaa, sidaas ay tahay mar walba isla qoraalkii ayaa lasoo celiyaa.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa in ka badan shan jeer ugu baaqay madaxda Maamul-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir in ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo qabsoomidda doorashada 2021.

Shirarkan uu ku baaqay February 9, 17, 22 iyo  March 1 iyo 14, waxaa lagu soo saadiyey iyada oo ay Villada heysatay xasarad siyaasadeed sida tan ugu dambeysay oo uu Farmaajo shir ku baaqay saacado kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Goobjoog News ayaa dib u milicsaneysa tixanaha baaqyada Farmaajo ee shirarka looga arrinsado doorashada iyo waqtiga ay kusoo aadaan dhacdooyinkii siyaasadeed ee jiray.

28-kii Janauray ee sanadkan,  maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiga doorashada uga qeybgalaya, beesha caalamkuna waa ay soo dhoweeyey, Villa Somalia in guddiyaasi ay laashay ayuu hadana 2 maalin kadib  Farmaajo ku baaqay shir doorasho oo ka dhaco Dhuusamareeb.

Baaqa Farmaajo ee shirka, waxaa lagu tirtiray ra’yul caamkii ku wajahnaa in ay dadku u arkaan dowladda in ay kasoo horjeeddo in hore loo socdo ayadoo diidday guddi doorasho oo ay maamulladu soo magacawdeen

Shirkaasi wuxuu ahaa Dhuusamareeb 4, inkasta uu fashilmay hadana waxaa gadmay in dowladda ay diyaar u tahay in doorashada laga wada hadlo.

8-dii February ee sanadkan waxaa ku ekaa muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu aheyd 09-kii February waxaa muqdisho kulan isugu yimid midowga musharrixiinta oo sheegay in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday isla markaana loo baahan yahay in la dhiso gole samatibixiya xaaladda lagu jiro isla markaana ka shaqeeya doorasho la wada oggol yahay oo dalka ka dhaca

Si guuxaasi siyaasadeed loo damiyo aragti taas ka duwanna ay u dhalato ayay Villa Somalia soo saartay warqad lagu iclaaminayo shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir shirkaas ma qabsoomin laakiin waxaa iyana hoos loo dhigay qorshihii midowga musharixiinta oo ahaa in la dhiso gole samatabixin oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada, guddoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Rooble.

14-kii February midowga musharixiinta ayaa ku baaqay in 19-ka bisha la qabto bannaanbax siyaasadeed oo dadku ay ku cabbirayaan aragtidooda ku aaddan qabsoomidda doorasho hufan oo xalaal ah, taarikhdu markii ay aheyd 17-ka February Villa Somalia waxaa kasoo baxay warqad ku baaqeysa in 18-ka ilaa 19-ka February ay shir isugu yimaadaan isla xubnihii hore shirka loogu baaqay

Shirkaas way diideen Puntland iyo Jubbaland laakiin waxaa isku yimid Madaxda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddexda maamul goboleed ee kala ah (Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug) hal maalin kaddib markii uu shirkaasi furmay ayay haddana dowladdu ugu baaqday 22-kii isla bishaas Puntland iyo Jubbaland in ay shirka kasoo qeyb galaan laakiin labadaasi maamul dheg jalaq uma siin

25-kii February midowga musharrixiinta iyo Ra’iisulwasaare Rooble ayaa heshiis hor dhac ahaa ku gaaray hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayadoo laga war dhowrayo dhaqan galka heshiiskaas ayaa taariikhdu markii ay aheyd 01-da march waxay villadu mar kale soo saartay shir ay isugu yimaadaan Federaalka, Maamulka Gobolka banaadir iyo maamul goboleedyada dalka, shirkaasina ma qabsoomin

Shirarkaas kala duwan ee Farmaajo ku baaqay inta waxaa uu ku daminayey xasarado siyaasadeed oo heystay, waxaa la is weydiinayaa inta ay sii socon doonto.

Goobjoog News