U bood dhigaalka

Shirka Dhuusamareeb Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Amniga

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filaya in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wada tashiga dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.

magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa hadda ku sugan madaxda dowlad gobaleedyada , iyagoo tan illa iyo xalay halkaasi kulama hordhac ka waday magaalada .

Shirka Dhuusamareeb ayaa noqonaya midkii 4 aad oo ay maamulada dalka iyo dowladda Federaalka ay isugu tagaan magalada .

Kulanka wada tashiga ayaa waxaa looga hadlaya Xallinta khilaafaadka arimaha doorashooyinka iyo sidii loo soo afjari ahaa tabashooyinka hortaagan qabsoomidda doorashada dalka .

Kadib mudda dheer oo leysku fahmi wayay doorashooyinka beesha  caalamka ayaa maamulada iyo dowladda dhexe ku qasabtay in ay si deg deg xal u gaaraan.