U bood dhigaalka

Shirka Hormarinta Ganacsiga iyo Hal-abuurka Somaliya oo ah Shir Sanadle ah Ayaa Markii 5aad Manta Lagu Qabtay Magaaladda Mogadisho

Sheeko:Dalka

Shirkan oo afartii sano ee lasoo dhaafay si xiriir ah ay u qaban jirtay Jaamacadda SIMAD ayaa sanadkan waxa ay si wadajir ah u wada qabteen Jaamacadda Jamhuriya.

Shirkan waxa uu ujeedkiisa yahay in lagu soo bandhigo cilmibaaris ay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo ardayda labada Jaamacadooday ka sameeyeen fursadaha iyo caqabadaha ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yar-yarka ee Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabdahaas.

Ustad Cabdisalaan Yusuf Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Shirka ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey martidii kala duwaneyd ee kasoo qeybgashay shirka. Sidoo kale waxaa shirka kalimd  ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeenka Dalada Jaamacaddah Somaliya

(SomaliREN) ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. Mohamud

Mohamed Bidey asagoo aad u bogaadiyey iskaashiga labada

Jaamacadood ee xaga cilimi barista ee kala duwan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa si rasmi ah u

furay shirka, waxa uuna u mahadceliyey dadaaladada joogtada ah ay

labada Jaamacadood ugu jiraan sare u qaadida cilmibaarista iyo abuuridda

dhaqan ku dhisan hal-abuur bulsho.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 25 cilmi baaris oo kala

duwan taas oo ay soo bandhigeen aqoonyahano kala duwan oo labada

Jaamacadood iyo aqoonyahano kale.

Inta uu socday shirka, waxaa lasoo bandhigay dood aad u xiisa badan oo looga hadlaayey halabuurada leh mudnaanta koowaad ee horumarinta Soomaaliya iyo iswaafajinta fursadaha ganacsi iyo qorshaha qaranka ee horumarinta ganacsiga (NDP9).

Ugu dambeyn, waxaa abaalmarino iyo shahaadooyin la guddoonsiiyey aqoonyahanadii iyo ardaydii soo jeediyey cilmibaarista. Waxaana shirkasoo gabagabeeyey madaxdda labada Jaamacadood ee ku midoobay agaasinka shirka.

DHAMAAD

CEB2020 Shirka warbixintiisa (1)

Goobjoog News