U bood dhigaalka

Shirka Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo Maanta Furmaya

Sheeko:Dalka

Shirka u dhaxeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu ka furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhammaan wufuuddu ay soo wada gaareen.

Shirka oo la sheegay inuu dhammeystir u yahay madashii ku soo idlaatay magaalada Dhuusamreeb ee Galmudug ayaa la failayaa in looga hadlo arrimaha doorashada dalka iyo dib loo eego wixii ay looga heshiiyey Dhuusamareeb3.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shir kale oo  arrimaha doorashada ah la isugu yimaada, kadib markii ay soo baxeen dhaliilo ay tirsadeen madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Waa shirkii 4-aad oo looga hadlaayo arrimaha doorashada dalka iyadoo ay xusid mudan tahay inaan Villa Somalia aysan weli soo magacaabin xukuumaddii ka shaqeyn la heyd arrimaha doorashada dalka uu aadayo 2020-2021-ka.

Inuu shirka maanta furmayo waxaa sheegay mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia

Goobjoog News