U bood dhigaalka

Shirka Musharraxiinta oo Galay Maalintii Seddexaad iyo War-murtiyeed Laga Sugayo

Sheeko:Dalka

Shirka wadatashiga musharaxiinta madaxweynaha dalka ayaa galay maalintii seddexaad, kaas oo muqdisho ka socday labadii maalin ee la soo dhaafay, waxaana inta badan looga hadlayey doorashooyinka heer federaal ee  soo aadan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galayo ku dhwaad 12 musharax, kuwaas oo u tagaan xilka madaxweynaha waxaana lagu wadaa in maanta gelinka dambe lasoo gabagabeeyo, war murtieedna kasoo baxo,  iyada oo sidoo kale la filyo iney gole mideeya ku dhawaaqaan.

Musharxiin gaarayo 14-ka ah ayaa warqad ay xalay soo saareen waxaa ay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland looga dalbaday in ay dib u eegaan guddiyada ay soo magacaabeen lana waafajiyo dastuurka dalka iyo xeerka.

Shirka wadatashiga Musharaxiinta ayaa waxaa uu Muqdisho ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaana ka qeyb galayey musharaxiin dalka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu soo gabagaboobi doonaan maanta.

Goobjoog News