U bood dhigaalka

Shirka Musharraxiinta oo Galay Maalintii Afaraad iyo War-murtiyeed Laga Sugayo

Sheeko:Dalka

Shirka wadatashiga musharraxiinta oo ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa galay maalintii afaraad, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada dalka, geedi u socodka, aragtida murashaxiinta waxaana ka qeyb galayo musharraxiin dhowr ah.

Marka laga tago musharaxiinta waxaanaa shirka ka qeyb galay, qeybo ka mid ah bulshada rayidla sida haweenka, culimada, dhalinyarada iyo ganacsatada, waxaa kale oo tagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiwali Muudeey.

Mas’uuliyiintaan ayaa shalay ilaa iyo xalay ku biiray shirka, waxaana sidoo kale Guddoomiye Xaashi wehlinaya siyaasiiyiin kasoo jeeda Somaliland, sida wasiir hore  Maareeye iyo xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Dhanka kale, shirka oo maanta galay maalintii ugu dambeysay, ayaa lagu wadaa iney ku soo biiraan qeybo kale oo bulshada ah iyo mas’uuliyiin.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe lasoo gabagabeeyo, sida maalintii shalay la shaaciyey iyada oo la shaacin doono madal ay ku mideysan yihiin murashaxiinta, afhayeen mid ah, waxaa kale oo lagu xusi doonaan qodobo ay ka dhaheen guddiyada, iyada oo dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada ay khuseyso doorashada laga hadli doono jadwalka, hufnaanta iyo guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo sida loo bixi karo marxladda kala guurka.

Goobjoog News