U bood dhigaalka

Shirka Wada Tashiga Qaran oo Muqdisho Ka Furmaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in shirka wada tashiga ah ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka uu maanta si rasmi ah uga furmayo magaalada Muqdisho ka dib war-saxaafadeed ka soo baxay villa Somalia.

Farmaajo ayaa sheegay in ka dib shirkii Baydhabo ay ku yeesheen guddiggii farsamada ee ka kala socday DF iyo maamul goboleedyada dalka uu go,aansaday in shir laba cisho socon doona ay isugu yimaadaan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada si loo dhameystiro heshiiska doorashada

Halkaan ka akhriso warka ka soo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:
1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.
2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.
4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
DHAMMAAD
Goobjoog News