U bood dhigaalka

Shirka Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo muddo saddex maalin ah u socday Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha,qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay Soomaaliya ku taageeraan. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

Goobjoog News