U bood dhigaalka

Shirkii Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Aruusha Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.
Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudane Yoweri Musseveni, Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, kala qeyb galay furitaanka jid halboowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
May be an image of 3 people, people standing and text that says 'JAMHURI YA MUUNGANO WA TANZAI WIZARA YA UJENZI NA UCHUKUZI UNGUZI WA BARABARA YA ARUSHA BYPASS UNAFANYWA NA mia Saluhu Hasn na Mh Jamhuri ungano wa Tanza Uhuru Rais wa Jam HE: 22Julai2 Julai'
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 1 person and standing
Goobjoog News