U bood dhigaalka

Shirweynaha Xalka Waara oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:War
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene oo uu Wehliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Mohamed Abdullkadir Ali ayaa Maanta So xirray Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran, kaaso halku-dhigiisu yahay Tayeynta iyo isku-dubbaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed,
shirkan oo socday mudo labo Maalin ah ayaa waxaa kaso qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS Qaar kamid ah Wasiirada Qorsheynta Dowlad goboleedyada dalka Safiirada Dalalka Midowga Yurub’ Madax ka socotay UN ka’ Urur goboleedka IGAD’ ganacsato’ iyo Ururada Bulshada rayidka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda ayaa u Mahad celiyay kaso qeyb galayaasha Shir Weynaha Xalka waara ee heer Qaran isagoona dhanka kale Bogaadiyay Howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta ee Shirka so Qabanbaabiyay oo ay ugu Horeysa Agaasimaha Xalka-Waara ahna Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta, Marwo Zahra Cabdi.
Goobjoog News