U bood dhigaalka

Sidee Dalka Looga Xusay Xuska Munaasabadda 26-June

Sheeko:Amniga

Waxaa guud ahaan dalka laga xusay xuska munaasibadda 62-sano guuradii ka soo waregatay markii gobalada waqooyi ee dalka xurnimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska .

Munaasibada waaweyn oo lagu xusayo munaasibadda ayaa lagu qabtay magaaloyinka dalka, xilli sanadkaan uu ka duwanaa xuska sanadihii horay loo soo dhaafay.

Gobalada dalka oo inta badan dadku ay la daala dhacayaan saameynta ay reebtay abaarta dalka ka jirta, ayaa mas’uuliyiinta dalka waxa ay joojiyeen munaasabadihii iyo feestooyinkii lagu xusi jiray maalintaan, iyagoo ku baaqay in qarashaadka munaasibadaha loo weeciyo ka qayb qaadashada gurmadka abaaraha dalka.

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay munaasibad kooban oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasibad xalay muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dadaal ku bixin doonto sidii looga mira dhalinlahaa wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

“Anigoo garowsan tabashada walaaleheenna Waqooyi ee hormuudka u ahaa xornimada iyo midnimada dalka, waxaan ballan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxiyeen xormimada iyo midowga mid u dhigma ku bixiyo xallinta tabashadooda si loo helo Soomaali heshiis ah oo mustaqbalkeeda wadajir u dhisata.” ayuu yiri ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Goobjoog News