U bood dhigaalka

Sidee Maanta Looga Ciiday Dunida Islaamka iyo Guud Ahaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 1-da Shawaal 1440-ka, kuna beegan 4 June 2019-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan laga Ciiday Dunida Islaamka, waloow ay jiraan Waddamo dhowr ah oo  weli laga laga Sooman yahay.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay Sanadkan usoo guteen waajibaadka Bisha Ramadaan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga oogay Takbiirta, iyadoo Salaadda Ciiddana lagu gutay Masaajidda iyo goobo kale oo ay isugu yimmaaddeen Dad weyne aad u tira badan.

Goobaha Maanta lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab iyo Mas’uuliyiin isugu jirta.

Madaxdii ka qeyb gashay Salaadda Ciidul Fitriga ee Maanta lagu Tukaday Masjidka Is-bahaysiga Islaamka  oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa dhammaantood waxay Dad weynihii halkaa ku sugnaa iyo Shacabka Soomaaliyeedba la wadaageen farxadda Ciidul Fidriga.

Tukashada Salaadda ka dib ayaa waxay mas’uuliyiintu Alle ugu baryeen Shacabka Soomaaliyeed in uu dhibka ka saaro, Ciiddan teeda xigtana uu ku gaarsiiyo Nabad iyo bawaaqo.

Sidoo kale goobaha sida weyn Maanta looga oogay munaasabadda Ciidul Fidriga waxaa ka mid ahaa, degaannada Puntland, qeybo ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalooyinka Puntland ee sida weyn looga Ciiday waxaa ka mid ahaa Magaalada Garoowe oo Salaadda lagu Tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare.

Waxaana Salaadda ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan, mas’uuliyiin , Isimo, Cuqaal, Nabad-doonno, wax-garad iyo Shacab aad u tiro badan, iyagoo si weyn isugu hambeeyay Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay Dad weynaha iyo Madaxda Gobolka ku wada Tukadeen goob bannaan ah, halkaasoo ay Shacabka isku marxabbeeyeen, waxaana kelimado dardaaran iyo ducooyin ah ka aqriyay qaar ka mid Culimada Magaalada.

Waxaa sidoo kale iyana si weyn Maanta looga Ciiday degaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana goob fagaara ah si niyad sami leh ugu wada Tukaday Madaxda iyo Shacabka Jubbaland.

Ducada Culimada iyo is marxabbayn Dad weyne ka dib, waxaa Shacabka reer Jubbaland la hadlay Madaxweynaha maamulkaasi , Axmed Maxamed Islaam, isagoo Bulsha weynta Soomaaliyeed usoo jeediyay in ay is cafiyaan Gacmahana is qabsadaan.

Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG Koofur galbeed ayaa sidaa si la mid ah laga oogay Maanta Salaadda Ciidul Fidriga, iyadoo ay Dad weynaha ka muuqatay farxad, Waaliddiintuna ay Carruuraha u daadahaynaya goobaha Cibaadada iyo Dalxiiska.

Goobjoog News