U bood dhigaalka

Sidee U Shaqeeyaan Sirdoonka Islaamiyiinta Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ayaan wali awooddooda hoos loo dhigin iyadoo uu jiro ololaha Qaramada Midoobay ee 12sano jirsaday ee ka dhanka ah Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaallama. Kooxahaan ayaa leh garab sirdoon oo si sarreysa u shaqeeya sida ay sheegtay wariyaha BBC ee Mary Harper.

Inta badan, marka aan ka imaado Soomaaliya oo aan soo-gaaro Ingiriiska, Alshabaab ayaa i soo waca. Arrintaan ayaa dhacda ka hor inta aanan la sheekeysan qoyskeyga waana inta aan sugayo alaabteyda ama xilli aan Taxi u sii saaranahay guriga.

Mar aan safar ku tagey magaalada ku taalla Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba ayaa la ii sheegay xog faahfaahsan oo ku saabsan waxa aan qabtay iyo Meesha aan tagay.

“Waxaad socod ku tagtay bangi laakiin waa xirnaa. Waxaad garaacday albaabbada iskuna dayday inaad furto. Waxaad qaadatay xoogaa sawirro ah,” ayuu igu yiri nin ka tirsan Alshabaab oo ah urur xiriir la leh Alqaeda.

“Waardiyeyaashaadu ma ahayn kuwo xirfaddoodu sarreysay. Wey iska wareegayeen, sheekeysanayeen iyagoo qoryaha kasoo laalaadiyey garbahooda halkii ay ku ilaalin lahaayeen.”

Markii aan weyddiiyey Alshabaab sida ay ku ogaadeen dhammaan waxyaabahaan, Sida ay ku heli karaan xogta saxda ah, Kuwii ila soo xiriiray waxay si fudud iigu sheegeen inay saaxiibbo ku leeyihiin meel kasta.

Waxaan u sheegay inaan naxsanahay oo ay ogyihiin ujeedka safarkeyga si dhaw, laakiin waxay ii sheegeen inaanan walwalin oo beegsigoodu yahay dad aniga iga muhiimsan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ii sheegeen inaan dhexgeli doono xaalad xun oo aan wajihi doono saameynteeda. Waxaan u qaatay in qaar ka mid ah dadka dabagalka ku sameeya dhaqdhaqaaqeyga ee Soomaaliya jooga inay qeyb ka yihiin kooxaha mitidiinta ah garabkooda sirdoonta ee aan naxariista lahayn, The Amniyat.

Qaar kale ayaa jira kuwaasoo ah dad ku shaqeeya inay xog ka keenaan qofka la raadsanayo markaas kaddibna lacag lagu siiyo shaqadaas. Taas waxaa ka sii cabsi badan habka mitidiintu u dabagalaan dadka ay doonayaan inay ka mid noqdaan, u hanjabaan ama dilaan.

“Alshabaab waa dad aan la fahmi karin, waxay joogaan meel kasta,” Waxaa sidaas yiri nin dhallinyaro ah oo Alshabaab ay raadsanayeen sababtoo ah wuxuu ka iibin jiray Firinjeerro iyo Mukeyfyo xubno ka mid ah dowladda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay ay taageerto iyo AMISOM kuwaasoo labadooduba ay Alshabaab u aragto cadow.

Nin kale oo Alshabaab kasoo goostay ayaa sharraxay sida maalin xubin ka tirsan Alshabaab uu u soo wacay si uu ugu sheego midabka shaarka uu xirnaa iyo waddada uu marayey maalintaas iyo waqtiga.

Dad kale ayaa ka hadlay sida mitidiinta ay u yimaadaan guryahooda iyo goobahooda shaqada ee ku yaal gudaha magaalada Muqdisho si ay ugu hanjabaan ama ay uga mid noqdaan. Arrimahaan ayaa dhacaya iyadoo kooxdu ay ka baxday caasimadda sannadkii 2011.

Xigasho: BBC

Mawduucyada:Banaadir