U bood dhigaalka

Soomaali Ku Xayirnayd Sacuudiga oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo sida la sheegay ku go’doonsanaa dalka Sacuudiga tan iyo markii caalamka uu kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Diyaaradda Daallo oo sida 132 Mawaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mawaadinidiintan xalay diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xeray ee Covid19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.

Maalmaha soo aaddan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida mawaadiniin kale.

Goobjoog News