U bood dhigaalka

Soomaaliland oo Diiwan Gelisay Kiisas Cusub oo COVID-19 Ah

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa maanta oo sabti ah 06-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 5 bukaan,  halka 48-dii saac ee la soo dhaafay ay xanuunka u geeriyoodeen labo ruux

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 62 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 413 kiis.

Goobjoog News